Warbixin ku saabsan shirweynihii Dalka Macedonia ay ku yeesheen Dalladda GEDAN [SAWIRRO]

Magaalada Struga, ee ku taal Waqooyiga Macedonia, waxaa lagu qabtay  Shirwaynihii sanadlaha ahaa   oo ay ka qaybgaleen ururada ku bahoobay dalladda Galmudug European Diaspora Association Network (GEDAN).

Waxaa sidoo kale kulanka lagu casuumay, goob joogna ka ahaa marti sharaf ka socotay hay’ado & ururo caalami ah oo Soomaali & ajnabi isugu jirta.

Kulankan, oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalladda GEDAN ee muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay iyo waxqabadka mustaqbalka dhow ay tiigsaneyso, waxaanna ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda Faarax Aadan Yuusuf oo shirka furay, kuna soo dhoweeyey marti sharafta.

Maxamed C/llaahi, Maxamuud Saciid [Ruush] & Xassan Liisho oo ka mid ah mas’uuliyiinta Dalladda ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan shaqooyinkii u qabsoomay & jihada loo socda; Waxaanna sidoo kale la soo bandhigay macluumaad la xiriira  dhaqaalihii soo galay dallada & sidii loo maareeyay.

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Galmudug Ubax  Dhiblaawe ayaa kulankaasi kaga qeybgashay Aalada Fogaan-Arag waxayna bogaadisay hormuudka GEDAN.

“Galmudug waxay maanta u baahan tahay in maskax, xoog & aqoon ba la isugu geeyo sidii lagaga qaybqaadan lahaa dhismaha kaabayaasha muhiimka u ah adeegyada bulshada” Ayeey tiri Ubax Dhiblaawe.

Guddoomiyaha jaaliyada Galmudug Finland Cabdullaahi Cadceed, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulankaasi ka qeybgashay wuxuu dhinaciisa ka warbixiyay marxaladihii laga soo maray in la helo Galmudug ay ku middeysan yihiin reer Finland.

“Galmudug Finland waxay u tahay sharaf in ay xubin firfircoon ka noqoto dallada GEDAN, iyada oo meteleysa, wakiil na ka ah mushtamaca reer Galmudug ee ku dhaqan Finland” Ayuu yiri Cadceed, wuxuuna si koobban u sharaxay  safar uu dhowaan ku tegay deegaano ka tirsan Galmudug, isaga oo qalab isboorti gaarsiiyay kooxo ka dhisan Galmudug.

C/casiis Cali Ibraahim [C/casiis Xildhibaan] oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka soo qeybgalay ayaa kulanka shir guddoominayay, waxaanna gabagabadii kulankii maanta shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Guddoomiyaha dalladda qurba-joogta Puntlande e PEDAN C/fitaax Jaamac [Janna-Gale].

“C/fitaax abaal aan duugoobin ayuu ku leeyahay GEDAN, wuxuu na la wadaagay wax kasta oo suurtagalin karay in dalladdu ay kheyrkeeda wax la qeybsato, waana dhici kartaa in garab istaaga uu na garab istaagay  ay dad kale u fasirtaan siyaabo aan loo baahneyn, annagu waxaan  leenahay cid kasta ee ama nagu soo biirta ama kaalin ka qaadata dedaalada dalladdu ay hormuud u tahay waa soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha GEDAN Faarax.

Guddiga fulinta dalladda ayaa cod u qaaday 2 urur oo ka kala dhisan dalalka Finland & Netherland in ay ku soo biiraan dalladda GEDAN, iyada oo cod wadar oggol ah lagu ansixiyay ku soo biiritaanka ururadaasi ee dalladda.

Abdishakuur Jarmal oo ah isku xiraha GEDAN & Galmudug & xiriiriyaha Jarmalka & Dowladda Jarmalka, oo kulanka ka hadlay wuxuu dhinaciisa sheegay isaga oo ku hadlaya magaca guud ahaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka, gaar ahaan reer Galmudug in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan GEDAN sidii qof kasta uu qeyb uga qaadan lahaa tayeynta kaabayaasha adeega bulshada deegaanada Galmudug. 

Shirkan ayaa socod doona 7 cisho waxaanna la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Khamiista ee taariikhdu ku beegan tahay 2 December.

This image has an empty alt attribute; its file name is 261572730_1018853012304890_6743330550890391436_n-620x280.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 258521362_4872479822771914_8770907251391913301_n-620x279.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 259799658_4872482012771695_5229900294564984040_n-620x279.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 260444986_4872479966105233_8476661078139971476_n-620x279.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 260855078_4872480446105185_6526819218692492281_n-620x279.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 261013185_893959411252932_6982416056139529752_n-600x450.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 261050787_269310828507076_1886651024171358153_n-600x450.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 261300633_503975757309067_7150440165461504336_n-600x450.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 261311049_1018853232304868_5553664280841036930_n-620x280.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 260437833_1018867528970105_6960544006322167440_n-600x450.jpg

Leave a Comment

Your email address will not be published.